Thursday, September 19, 2024

Dadka degan Hareeraha Webiga shabeelle oo digniin loo jeediyay.

Dadka degan Hareeraha Webiga ayaa lee jeediyay digniin ku saabsan fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne iyo degmooyinka ku xeeran ee gobolka Hiiraan.

Wabiga Shabeelle ayaa ka sare maray heerkii halista badnaa, waxaana uu ku sii siqayaa heer aad halis u ah, taasoo keeneysa khatar weyn oo fatahaad ah.

Digniintan ayaa ku wajahan magaaooyinka kala ah, Beledweyne, Buulo Burte, Jalalaqsi, Jowhar, Balcad, iyo deegaanada ku dhow dhow.

Iyadoo dhawaan roob badan uusan ka da’in Soomaaliya iyo bariga Itoobiya, haddana biyaha ka imaanaya buuraleyda Itoobiya ayaa keenay in heerka webiga uu sare u kaco.

Dadka   degan Hareeraraha Webiga  ayaa loogu baaqay in ay ka feejig naadaan oo ay ka fogaadaan Hareeraha Webiga  shabeelle si loo yareeyo saameynta fatahaadaha suurtagalka ah  in ay wax yeeli geystaan .

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles