Thursday, September 19, 2024

Dab xoogan oo ka kacay Suuqa Magaalada Jowhar ee Xarunta HirShabeelle.

Dab xoogan ayaa ka kacay Suuqa Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle,ilaa hada ma jiraan khsaare uu gaystay dabkaas waxaana la tacaalaya shacabka iyto Dowlada Hirshabeele. Suuqa Jowhar oo ah mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu muhiimsan magaalada ayaa la sheegay in dabku uu xoogan qabsaday dukaano badan . Gurmadka dab-damiska ayaa wada sidii  ay u xakameyn lahaayeen dabka, inkastoo uu yahay  mid si weyn u faafaya.

Suuqyada Soomaaliyeed ayaa marar badan la kulmay masiibooyin noocaan oo kale ah. Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa gubtay dhowr jeer, gaar ahaan dabkii ba’anaa ee ka dhacay sanadkii 2010, kaas oo sababay burbur weyn iyo khasaare hantiyeed oo gaaraya malaayiin doolar. Sidoo kale, Suuqyada Beledweyne iyo Hargeisa ayaa iyaguna gubtay dhowr jeer, taas oo sababtay dhibaatooyin dhaqaale oo culus oo soo gaara ganacsatada iyo shacabka ku nool magaalooyinkaas

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles