Old Trafford waxa ay martigelin doontaa kulanka furitaanka xilli ciyaareedka 2024-25 ee Premier League, iyadoo Manchester United ay Jimcaha caawa la ciyaari doonto Fulham.
Eedeynta Erik ten Hag waxayba ku bilaabatay FA Community Shield finalkii ay ka qaadeen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City.
Red Devils waxa ay isha ku heysa inay ka meeydhato murugadii xilli ciyaareedkii hore.
Dhanka kale, Fulham ayaa sidoo kale dooneysa inay sare u qaaddo qaab ciyaareedkeeda ka dib markii ay ku dhameysatay kaalinta 13aad ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore.
5-tii kulan ee ugu dambeesay oo ay kulmeen Manchester United iyo Fulham tartamada oo dhan.
Manchester United ayaa badisay 4 jeer, halka hal jeer ay badisay kooxda Fulham.
Dhibaatada dhaawaca goor hore ayeeba ku habsatay Ten Hag iyadoo saxiixa lacagta badan laga soo bixiyay ee Leny Yoro uu ku maqan yahay dhaawac cagta ah oo ka soo gaaray kulamadii is diyaarinta, iyadoo Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Victor Lindelof ay ku jiraan qolka daaweynta.
Halka Harry Maguire uu weli shaki ku jiro taam ahaanshihiisa, walo Ten Hag uu sheegay in la heli karo.
labadii ciyaaryahan ee hore ee Bayern Munich Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui ayaa laga yaabaa inay kusoo bilowdan afarta dambe ee ciyaarta.
Dhanka weerarka, Joshua Zirkzee ayaa la filayaa inuu ciyaaro iyadoo uu maqan yahay Rasmus Hojlund oo dhaawac ah, iyadoo Jadon Sancho ama kabtan Bruno Fernandes laga dhigi karo sagaal been abuur ah.
Shaxda macquulka ah ee Man United: Onana; Dalot, De Ligt, Martinez, Mazraoui; Casemiro, Mainoo; Amad, Fernandes, Rashford; Zirkzee.
Dhinaca Fulham, Weeraryahanka reer Brazil Rodrigo Muniz ayaa hogaamin doona weerarka kooxda ka dib bixitaankii Aleksandar Mitrovic, waxaana ku biiray ciyaaryahankii hore ee United Andreas Pereira iyo saxiixii xagaaga Emile Smith Rowe ee khadka dhexe.
Saxiixa cusub ee Jorge Cuenca ayaa laga yaabaa inuusan kusoo bilaaban doonin, sidaas darteed Issa Diop iyo Calvin Bassey ayay u badan tahay inay labada daafac dhexe kusoo bilowdan.
Shaxda Macquulka ah ee Fulham: Leno; Castagne, Diop, Bassey, Robinson; Lukic, Reed; Iwobi, Pereira, Smith Rowe; Muniz.