Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sheekh Abuukar Maxamed, oo warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada HirShabelle. Wuxuu sheegay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay haatan wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda galbeedka gobolka Hiiraan iyo qaybo kamid ah Shabeelaha Dhexe.
Howlgalladan ayaa diiradda lagu saarayaa in la xoreeyo deegaanada weli gacanta ugu jira Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay u dhaqaaqeen goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda. Sheekh Abuukar Maxamed ayaa tilmaamay in ujeedada howlgalladan ay tahay in laga saaro Al-Shabaab meelaha ay weli ku sugan yihiin, si loo sugo ammaanka iyo nabadda deegaanada HirShabelle.
Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa kuwa ugu horreeyay ee lagu jabiyay Al-Shabaab, waxaana ka bilowday wajiga koowaad ee howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay dalka oo dhan uga saarto kooxda Al-Shabaab.