Monday, February 10, 2025

Ciidanka puntland oo cagta mariyay fariisimahii Daacish ee gobolka bari.

-Ciidamada ciribtirka argagixisada ee deegaanada dowlad goboleedka Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Howlgal saacadihii u dambeeyey ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad ayaa lagu burburiyey goobihii ay ku dhuumaaleysan jireen kooxaha argagixisada ah, waxanay goobahaasi ugu carareen hub iyo saanad fara badan.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay soo ridaan diyaarado Drones ah oo ay Khawaarijtu u isticmaalayeen in ay ciidanka ku basaasaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles