Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan guutada labaad ee ka howlgasha deegaanka istiraatiijiga ah ee Janaa Cabdalle, ayaa saaka markale weerar qorsheysan ku qaaday dagaalamayaasha AS, kuwaas oo la rumeysnaa inay qorsheynayeen weerar gaadmo ah oo ka dhan ah saldhig ay ciidamada Daraawiishta ku leeyihiin deegaankaasi. Howlgalkaas ayaa ka dhashay feejignaanta sirdoonka Jubbaland, kuwaas oo xog muhiim ah ka helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab, taas oo suurtagalisay in ciidamada Daraawiishta ay weerarka fashiliyaan ka hor inta uusan dhicin.
Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Daraawiishta ee ku sugan Janaa Cabdalle iyo deegaanada ku dhow ayaa sheegay in ay heleen xogta ku saabsan qorshaha Al-Shabaab oo doonayay weerar bilaa qorshe ah oo si deg-deg ah loogu qaado saldhigyada ciidamada Jubbaland. Ciidanka ayaa si dhaqso ah u sameeyay isku-dubarid, iyagoo ku dhaqaaqay weerar difaac ah, kaas oo lagu guuleystay in lagu jabiya dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in xubno muhiim ah oo ka tirsanaa in lagu dilay howlgalkaas.
Dagaalka ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn deegaanka Janaa Cabdalle, halkaas oo labada dhinac ay isku heleen goob bannaanka ah. Inkastoo dagaalku uu socday muddo kooban, ciidamada Jubbaland ayaa ku guuleystay inay culeys xooggan saaraan Al-Shabaab, iyagoo markaas kadib si buuxda u kala eryay dagaalyahanadii weerarka damacsanaa.
Sirdoonka Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay dar-dar galiyay howlaha ay ku ogaanayaan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab, taas oo sahashay in weeraro badan oo argagixiso la fashiliyo ka hor inta aysan dhicin.