Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa howlgal cir iyo dhul ah ka sameeyay deegaanno katirsan buuraha Calmiskaad ay ku sugnaayeen firxadka Daacish, waxaana howlgalka lagu dilay xubno katirsan kooxda Daacish.
Howlgalka ciidamada fuliyeen oo ahaa mid qorsheysan ayey ka fuliyeen degaannada Xal iyo Walinsoor , waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in howlgalka lagu dilay xubno katirsanaa kooxda Daacish, halka lagu gubay raashin iyo agabyo kale ay Daacish lahaayeen.
Ciidamada Puntland, ayaan wali soo afjarin howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish, waxaana hadda socda abaabul ay wadaan ciidamaa Puntland, kuwaa oo doonaya in ay xoojiyaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysaneysa buuraha Calmiskaad.