Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waajid Xidigle Iftiin Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee degmada loo aas aasay muddo hadda laga joogo sanad iyo bar aysan ka helin Maamulka Koonfur Galbeed wax mushaaraad iyo xaquuqaad ah.
Wuxuu sheegay in Ciidamadaan ay yihiin kuwo doorweyn ka qaatay sugida amniga degmada Waajiid iyo ka hortagga weerarada ay geystaan Kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf ayaa dhankiisa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed in xaquuq loo helo Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugida ee ku sugan degmada Waajid si ay uga qeyb qaataan sugida amniga degmada iyo degaannada hoostaga.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed oo kaga jawaabayo eedeynta uga timid taliska booliska ee degmada Waajid ee ku aadan inaysan muddo wax mushaaraad ah qaadanin.