Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo Boqolaal kamid ah Shacabka kunool degmadaas isugu keenay Goob fagaaro ah ayaa u sheegay inay mamnuuceen qaadasha Indha-shareerka iyo isticmaalka Mootootinka labada Lug leh oo aad looga isticmaalo degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Baardheere Aadan Dhegacadde ayaa sheegay in Indha-shareerka uu mamnuuc ka yahay inay Haweenku ku qaataan degmada, sidoo kalena muddo 15 cisho ah fursad u heystaan darawalada Mootooyinka labada Lug leh inay ku joojiyaan.
Taliyaha Ururka 49-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen in amaradaan ay yihiin kuwo lagu sugayo Amniga degmada iyo degaannada hoostaga.