Wednesday, February 12, 2025

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Hirshabelle oo kormeeray Isbitaalka D/balcad.

kadib dhibaatooyin kala duwan uu soo maray isbitaalka guud ee degmada balcad ayaa hada waxa uu noqday mid u dhameystiran agabkii caafimaad ee loogu tala galay goobaha caafimaadka,waxaana maanta kormeer ku yimid agaasimahada guud ee wasaaradda caafimaadka dowlada hirshabelle mudane dr xanafi xasan c/laahi waxaana kusoo dhaweyay bahda shaqaalaha , gudiga isbitaalka & xildhibaan xasan maxamed xaaji oo kamid ah dadkii usoo dhabar adeegay jiritaanka isbitaalka ahna mudane katirsan baarlamaanka hirshabelle.
sido kale waxa xaadir ahaa kullanka gudoomiye ku xigeenka amniga degmada balcad ahna kusimaha gudoomiyaha maamulka degmada balcad mudane muuse nuur shuceyb.
intaasi kadib agaasimaha waxuu kullan miro dhal ah la qaatay shaqaalaha iyo gudiga isbitaalka guud ee degmada balcad asigoona u sameyay balan qaad muhiim ah waxuu sheegay in ka wasaarad ahaan ku taageeri doonan isbitaalka guud ee balcad waxii ay awoodan sido kalena la shaqeyn doonaan,balan qaadkaasi ayaa waxaa si weyn usoo dhaweyay shaqaalaha iyo dhamaan gudiga isbitaalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles