Monday, February 10, 2025

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca muhiimka ah ee la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, xeer ilaaliyeyaasha heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo wakiillo ka socda hay’adaha amniga.

Waxa shirkan diiradda lagu saari doonaa doodo iyo cilmi baaris muhiim ah oo ku saabsan xoojinta shuruucda, iskaashiga hay’adaha amniga iyo sidii loo ciribtiri lahaa ilaha dhaqaale ee taageera kooxaha argagixisada.

Shirweynahan ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aanno muhiim ah oo wax ku ool u ah la dagaalka maalgelinta argagixisada, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles