Saturday, June 21, 2025

๐—ฅ/๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf Xasan oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

โ€œInnaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina.

โ€œmarxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeennaโ€, Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumka waxa uu ahaa bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles