Thursday, July 17, 2025

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐜𝐮𝐬𝐛𝐨𝐨𝐧𝐚𝐲𝐬𝐢𝐢𝐧 𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka hey’adda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan.

Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo hey’adaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles